arbias About Us Services Information Publications
Become a Member Donations Relevant Links FASD Education Campaign A Hangover For Life

Dad ku takhasusay aalkolada iyo walxaha la xiriira dhaawaca maskaxda

arbias, waxa la asaasay 1990, waxayna hogaamisaa bixinta dadka ku takhasusay walxaha la xiriira dhaawaca maskaxda. Dhaawaca maskaxda ee la xiriira aalkolada (ARBI) ayaa ah erayga loo isticmaalo in lagu sharxo dhaawaca jireed ee maskaxda gaara ahaan khamrada oo si siyaada ah loo cabo darteed. Qofku markuu qabo ARBI lama mid ah marka qofku qabo iinta garashada iyo dhimirka.

arbias waxay ka bixisaa adeegyo kala duwan agagaaraha magaala-weynta Melbourne kuwaas oo ay ku jiraan la tashi aan asaasi ahayn, qiimaynta dhimirka-dareenqaadka, maaraynta kayska, daryeelka tegitaanka, degaanka iyo barnaamijyada madadaalada.

arbias waxay kaloo siisaa adeeg takhasus ah reer guuraaga, magaalooyinka kale ee dawlad goboleedka iyo adeegyada samafalka caafimaadka caalamka. Kuwaas oo ay ku jiraan:

Macluumaadka waxa la soo saaro

arbias waxay soo saartaa macluumaad badan oo kala duwan sida buuggaag iyo fiidiyow ku saabsan alkolada iyo walxaha la xiriira dhaawaca maskaxda taas oo lala xiriirin karo adeeg ama goob mucayina. Macluumaadkaas waxaa ka mid ah kan ku saabsan:

  • Jaahwareer la xiriira Dhaawaca Maskaxda ee xiriirka la leh Alkolada
  • Tusayaasha daryeellayaasha iyo kaalmada shaqaalaha
  • Macluumaadka mihnadlayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka
  • Horumarinta qorshe kaalmo oo dadka qaba Dhaawaca Maskaxda ee la xiriira Alkolada
  • Wax keeni kara isbedel
  • Calaamadaha lagu aqoonsado Dhaawaca Maskaxda ee xiriira Alkolada
  • Qiimaynta aqoonsiga Dhaawaca Maskaxda ee la xiriira Alkolada
  • Caawimida dadka qaba Dhaawaca Maskaxda ee la xiriira Alkolada
  • Istaraatiijiya lagu wanaajinayo xusuusta
  • Istaraatiijiyada madaxa qaybtiisa hore ee wax qabta
  • Fahmida iyo wax ka qabashada dabeecadaha qalafsan
  • Maaraynta xanaaqa
  • Dadka qaba Dhaawaca Maskaxda ee la xiriira Alkolada iyo goobta shaqada iyo meelaha la dejiyo dadka waayeelka ah
  • Dadka qaba Dhaawaca Maskxada ee la Xiriira Alkolada iyo ku daryeelida guriga
  • Wax ka qabashada dhibaatooyinka hurdada
  • Talasiinta iyo dawaynta
  • Ilaalinta cunta miisaaman

Tababarada

arbias waxay ku takhasustay horumarinta hab tababareed ee mihnadlayda la shaqaynaya dad qaba dhaawac maskaxeed oo la xiriira alkolada. Kuwaas waxaa ku jira dhamaan liistooyinka kor lagu muujiyey iyo kuwa soo socda:

  • Wax ka ogaanshaha dhaawaca maskaxda ku dhaca (ABI)
  • Wax ka ogaanshaha Dhaawaca Maskaxda ee la xiriira Alkolada (ARBI)
  • Maaraynta dabeecadaha qalafsan
  • La shaqaynta dadka qaba labada iinood (ARBIAS iyo dhibaatooyinka caafimaadka dhimirka)

Adeegyada Talasiinta caafimaadka iyo mihnadaha samafalka

arbias waxay siisaa talo mihnadlayaasha caafimaadka taas oo ku saasban meelaha magacaaban.

Adeegyada Talasiinta ee ururada samafalka iyo caafimaadka.

arbias waxay siisaa talo mihnadlayaasha caafimaadka taas oo ku saasban meelaha magacaaban.

Wixii intaas ka badan fadlan la xiriir: Mr Glen Hardy, Maamulaha Cilmi-baarista iyo Horumarinta oo emailkiisu yahay This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

arbias_somali.pdf